𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐊𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐨𝐫𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝟔𝟔-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝟐𝟔-𝐤𝐚 𝐉𝐮𝐧𝐧𝐞

0
8

Hargeysa, Somaliland (HCTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa ka qayb-galay munaasabadda Qaran ee lagu xusay 66-guurada maalintii taariikhiga ahayd ee 26-ka Juun 1960, taas oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada.

Munaasabadda waxa ka soo qayb-galay madaxda sare ee Qaranka, xisbiyada siyaasadda, madax-dhaqameed, diblomaasiyiin ka socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Intii ay socotay munaasabadda waxa la soo bandhigay barnaamijyo ka tarjumayey madadaalo, majaajillo, halgankii dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada Somaliland, iyo dhaxalkii taariikhdii madoobayd ee midowgii lagu hongoobay, iyada oo ay masuuliyiin kala duwanni ka hadleen in lagu faro adaygo Xorriyadda iyo Qarannimada JSL, iyaga oo adkeeyey muhiimadda midnimada, wadajirka iyo ilaalinta qaranimada.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka ugu hambalyeeyey munaasabadda, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan nabadda, wadajirka iyo qaranimada. Sidoo kale, waxa uu si kooban uga warbixiyey safarkiisii rasmiga ahaa ee uu ku tegay Israa’iil iyo kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hoosta ka xarriiqay in Jamhuuriyadda Somaliland tahay dal xor ah oo madax-bannaan, isla markaana shacabka Somaliland ay si buuxda uga tashadeen aayahooda, kuna go’aansadeen mustaqbalkooda si waafaqsan rabitaankooda iyo arrimaha masiiriga ah ee dalkooda.

Markii ay saacaddu ahayd 12:00 habeenimo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu goob-joog ka ahaa Calan Saarka Qaranka, isaga oo salaan-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qaranka. Munaasabadduna waxay ku soo gebogabowday ggabowday jawi ah qaranimo, farxad iyo waddaniyad.

Sawiro

Horn Cable TV

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here