Hargeysa, Somaliland (HCTV) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta diiwaangelinta casriga ah ee codbixiyeyaasha.
Komishanku waxa ay Madaxweynaha u soo bandhigeen qorshe-hawleed, hab-raacyo farsamo iyo jadwal lagu hirgelinayo diiwaangelinta cusub ee codbixiyeyaasha, taas oo laga fulin doono dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Waxa ay sidoo kale sharraxeen in nidaamka cusub uu ku salaysan yahay tiknoolajiyad casri ah oo lagu xaqiijinayo diiwaangelin sugan, hufan, sax ah, isla markaana waafaqsan halbeegyada caalamiga ah, si loo fududeeyo ka qaybgalka muwaadiniinta xaqa u leh codbixinta loona xoojiyo hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalka.
Madaxweyne Cirro ayaa bogaadiyey dedaalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo diiwaangelin tayo leh oo gaadha dhammaan muwaadiniinta xaqa u leh codbixinta.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adkeeyey in diiwaangelinta casriga ah ee codbixiyeyaashu ay saldhig u tahay xoojinta dimuqraadiyadda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo qabsoomidda doorashooyin xor, xalaal ah oo lagu wada kalsoon yahay.
Waxa uu Madaxweynaha Komishanka u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay diyaar u tahay inay bixiso dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah hirgelinta diiwaangelinta cusub.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo wada-shaqaynta hay’adaha ay khusayso iyo dardargelinta diyaar-garowga farsamo iyo maamulka, si Somaliland u sii adkaysato sumcadeeda ku aaddan qabsoomidda doorashooyin nabdoon, xor ah oo hufan.
Horn Cable TV
Hargeisa Somaliland
