“Xanuunku Wuu Joogaa Hargeysa, Burco Iyo Berbera Ee Is ilaaliya..” Wasiir Koore

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in xanuunka COVID-19 uu soo gaadhay dalka Somaliland, sidaa darteed waxa uu bulshada u soo jeediyey in ay qaataan fariimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa xusay in cudurku oo soo gaadhay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, waxana uu yidhi  “Maanta Xanuunku Hargeysa , Burco iyo Berbera wuu jooga ee is ilaaliya oo salaanta, isku soo dhawaashaha iyo gacan qaadka joojiya, qof ayaa dilli kara boqol qof isaga oo aan ogayn ama aan masuuliyad iska saarin marka aynu qaadno tallada dhakhaatiirta”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu intaasi ku daray “Dad ayaa tijaabadooda la wadaa wayna badan tahay, labadii qof ee hore waynu xaqiijinay inuu hayo, bahalkii (Corona) wuxuu inala jooga degelka ee yaynaan is diidsiin..”

Ugu danbayn Wasiir Koorre waxa uu bulshada u soo jeediyey in ay qaataan farriimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ka mid ah guddiga ka u diyaar-garowga ka hor-tagga Coronavirus ee Somaliland. 

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka