Coronavirus: Shaqo La’aan Soo Food Saartay Beeralayda Ubaxa Kenya

Nairobi, (HCTV) – Dadka soo saara Ubaxyada kala duwan ayaa sheegay in durtaba ay shaqo la’aan soo food saartay tiro ka badan 30,000 qof, halka tiro kale oo ka badan tobanaan kun ay qarka u saaran yihiin inay waayaan shaqooyinkooda todobaadada fooda inagu soo haya.

Malaayin qof ayay shaqo la’aani soo food saartay aduunka oo dhan, taas oo ay sababtay xanuunka sida aadka ah ugu fidaya dunida ee coronavirus.

Hadaba tobanaankan kun ee shaqaalaha mushaharkoodu aadka u hooseeyey eek a shaqeeya beeraha ubaxyada ee dalka Kenya ayaa iyagu shaqadoodi gabi ahaanba waayey kadib markii ay soo wajaheen suuq la’aan iyo dalab la’aan uu sababay xanuunka COVID19.

Sidaa darted qaar farabadan oo ka mid ah shaqaalaha beeraha soo saara Ubaxyada Ayaan xiligan haysanba jid kale oo ay ku quudiyaan ama ku masruufaan qoysaskooda.

Sida uu ku waramay wariyaha Aljazeera ee dalka Kenya Malcolm Webb.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.