Ururada Bulshada Rayidka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Guddida Ka Hortaga caronavirus

Hargeysa, (HCTV) – Guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ayaa kulamo la qaatay ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland, kuwaas oo kulankooda diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa xanuunka saamaynta weyn ku yeeshay adduunka.

Guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ayaa talooyin ka dhagaystay xubnihii Ururada bulshada rayidka ah ee ay kulanka la yeeshay, waxaanay sidoo kale is dul taageen qodobo muhiim ah oo lagaga hortagi karo xanuunka caalamaka ku fidaya ee COVID19.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa isagu madasha kulankaasi ka sheegay in xanuunkani uu leeyahay ka hortag, ka hortagaasina ay ugu horayso wacyigalin u baahan la galiyo fikir iyo dedaal.

Geesta kale Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa sheegay in barnaamijka guddida ka hortaga xanuunka Coronavirus ay tahay inay la kulmaan daneeyeyaasha arintan oo ay ka mid yihiin Bulshada Rayidka ahi, Ganacsatada iyo Culimaa’udiinka Somaliland.

Dhinaca kale Kulanka waxa ka qaybgalay xubno tiro badan oo ka socday Ururrada Bulshada rayidka, sida ururka Dhakhaatiirta, Ururrada Haweenka iyo dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Masuuliyiin ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ahmiyada ugu weyn la siiyo sidii meel qudha looga wada duuli lahaa, sida uu madasha kaga dhawaaqay madaxa Dallada SONSAF Mr. Anwar oo xusay in ay u taagan yihiin ka shaqaynta wax kasta oo qaranka laga xakamaynayo faafista cudurkaasi.

“Ururada bulshada Rayidka ahi waxa ay sameeyeen WhatsApp aanu doonayno in aanu macluumaadka ku wadaagno, intayadanina waa intii aau guddida ka soo xulnay.

Ujeedada loo sameeyeyna waxa weeyi doorkii wacyigalineed ee ururada bulshadu lahayd ee ay kaga qayb qaadan lahaayeen ka hortaga xanuunkan,” ayuu yidhi madaxa Dallada SONSAF Mr. Anwar.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.