Shaqaale Ajnabi Ah Oo Katirsan Shirkadd Ka Shaqaysa Garoonka Diyaaraha Muqdisho Oo Laga Helay Coronavirus

Muqdisho, (HCTV) – Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa maanta xaqiijiyay in shaqaale caalami ah oo ka shaqeeya shirkad gaar loo leeyahay oo qandaraas ku leh Qaramada Midoobay laga helay cudurka ‘coronavirus (COVID-19).

Shaqaalahaan waxaa uu katirsanaa shirkad ganacsi oo gaar loo leeyahay oo ka shaqeeysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Abdulle (AAIA).

Iyada oo la raacayo siyaasadaha shirkaddan, waxaa shaqaalahaan lagu sameeyay karantiil saacado ka dib markuu ku laabtay Muqdisho badhtamihii March.

Kiiska coronavirus-ka ayaa waxaa hore u shaaciyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Fawziya Abikar, iyadoo lagu saleynayo natiijooyinka baaritaanka ay soo bandhigtay Qaramada Midoobay.

Shaqaalaha caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa wali ku sii jiraya wada xiriirka ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, waxaana socda baaris la xiriirta sidii loo ogaan lahaa qof kasta oo laga yaabo inuu ku dhacay cudurka kahor karantiilka.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay ku garab taagan yihiin Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan COVID-19, iyadoo loo marinayo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) iyo hay’ado kale oo ka shaqeeya la dagaallanka viruska.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.