Shiinaha Oo Dib U Celiyey Ciidamadiisa Kadib Isku Dhacyadii Xuduuda Ee Hindiya

Himilaya, (HCTV) – Dowlada Shiinaha ayaa la sheegay inay dib u saartay ciidamadeedii ay soo dhoobtay xadka ay la wadaagto dalka Hindiya.

Labadan dal oo khilaaf dhinaca xadka ahi uu u dhexeeyey 50-kii sanadood ee la soo dhaafay ayaa ah laba dal oo ku hubaysan hubka Nukliyeerka, ayaa mudadii u dambaysay ee khilaafku ka soo cusboonaaday xadka labada dal ee Hindiya iyo Shiinaha waxa ku dhintay 20 askari oo Hindi ah.
Militariga Shiinaha ayaa lagu arkay iyagoo duminaya teendhooyin iyo dhismeyaal Isniinta maanta, goob ku taal dooxada Galwan oo u dhow goobta dagaalku ka dhacay, ilo wareedyo dowladda Hindiya ah, oo diiday in la shaaciyo maadaama aan loo fasaxin inay warbaahinta la hadlaan, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. .
Waxaana la arkayey iyagoo gaadiid kaga baxaya aagga, iyo sidoo kale laba aag oo kale oo ku yaal xadka, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.