India: 3 Qof Oo Ku Dhintay Rabshado Ka Dhashay Hadal Lid Ku Ah Nebi Muxamed (CSW) Oo Lagu Baahiyey Facebook

India (HCTV) – Ugu yaraan Saddex Qof baa ku dhintay Rabshado ka dhacay Koonfurta Magaalada Bengaluru ee dalka Hindiya.

Rabshadaha Dadku ku dhinteen ayaa bilaabmay, ka dib markii Muslimiinta halkaa ku dhaqani ka cadhoodeen Qoraal wax lagaga sheegay Nebi Muxamed (CSW) oo lagu baahiyey Facebook.

Dad gadoodsan ayaa gubay Baabuur, waxayna Weerareen Saldhigyo Boolis iyo Meelo kale oo badan.

Booliska ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in Qofka Facebook wax kaga sheegay Nebi Muxamed (CSW) la xidhay, Qoraalkii uu qorayna laga masaxay Facebook, balse Tallaabooyinkaasi waxba kama tarin rabshadihii ka dhashay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka