“Golaha Wakiillada, Kuraasta Awdal Haysato Waxa Ka Badan Inta Ay Haysato Beesha Bariga Burco…..” Gar-Yaqaan Mubaarik Aar

Hargeysa (HCTV) – Mubaarik Ibraahim Aar oo ka mid ah gar-yaqaannada Somaliland ayaa ka hadlay Tabashada reer Awdal ka qabaan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, waxaanu sheegay inay xaq u leeyihiin inay Cabashadooda muujiyaan.

Mubaarik ibraahim Aar oo Maanta HCTV kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Cabashada reer Awdal ku qotonto qodobka 12-aad ee Xeerka doorashooyinka Somaliland, kaasi oo dhigaya in mar keliya Doorashada lagu galo Saami-qaybsi la’aan, taasina dhamaatay oo laga gudbay, sidaasi darteed loo baahan yahay in tiro-koob Dadweyne la sameeyo ama hab kale oo xalliyo khilaafka ka taagan Saami-qaybsiga Golaha wakiillada, si doorashadu u qabsoonto.

Gar-yaqaan Mubaarik oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Odayaasha reer Awdal xaq bay u leeyihiin Cabashada Saami-qaybsiga, weliba waxa xaq u sii siinaya oo dooddoodu ku qotontaa Qodobka 12-aad ee xeerka doorashadu wuxuu sheegayaa in doorashada Golaha Wakiillada lagu galayo hal mar (saami-qaybsi la’aan), wixii ka dambeeya tiro-koob la qabto, markaa cabashadoodu qodobkaas ayay ka duulaysaa. Saami-qaybsiga ay ka doodayaan waxa lagu qaybiyey sidii 1960-kii loo qaybin jiray, laakiin Gumaystuhu xilligaa cilmi kuma salaynin, kuma salaysna Tiro-koob, kumana salaysna Diwaangelin, markaa dood ma noqonayso mar walba waxa la qaadanayaa Saami-qaybsigii Lixdankii.”

Mr. Aar waxa kale oo uu sheegay “Qaabka ay imika ku fadhiyaan Baarlamanku iyo markay Beelaha ku fadhiyeen waxa badnaa markay Beelaha ku fadhiyeen, markaa Awdal waxay haysatay 16 kursi, Maantana 13 Kursi bay haystaan, qolada barigu wakhtigaa waxay haysteen 15 Kursi, maantana 10 bay haystaan, markii Beelaha ayaa uga fiicnaa Maanta qaabkan ay yihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Doorashadu markay dhacday (2005) waxa soo baxay Xildhibaano ku soo baxay 1000 Cod iyo Xildhibaano ku soo baxay dhowr iyo toban kun oo Cod, arrintaasi waxay tilmaamaysaa in Saami-qaybsigii lagu saleeyay Kuraastu inaanu sax ahayn. Xildhibaan ka soo baxay Awdal wuxuu ku soo baxay 9 kun iyo dheeraad Cod, Nin Berbera ka soo baxayna wuxuu ku soo baxay kun iyo dheeraad, markaa isma qabanayso oo caddaalad-darro ayay tilmaamaysaa.”

Gar-yaqaanka oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay oo kale “Haddii qaab beeleed loo eego, Maanta marka la eego sida Golaha Wakiillada loo kala fadhiyo, Kuraasta Awdal haysato waxa ka badan inta ay haysato Beesha bariga Burco, Beesha Galbeedka Burco iyo Beesha Galbeedka Hargeysa, markaa waxaad arkaysaa in aanay isku dheel-tirnayn…” ayuu yidhi, waxaanu Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyey “Waxaan xal u arkaa in Madaxweynaha JSL uu Guddi saaro oo loo kordhiyo kuraasta Golaha wakiillada qolada galbeedka iyo kuwa barigaba..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka