Soomaaliya: Dad Ku Dhintay Saddex Qarax Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Saddex Qarax ayaa Caawa ka dhacay Degmooyinka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Weerarradan oo loo adeegsaday Bamka Gacanta laga tuuro ayaa ka dhacay degmooyinka  Boondheer, Waaberi iyo Wada-jir ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare.

Wararka hor-dhaca ah ee ka soo baxaya Qaraxyadan loo adeegsaday Bamka Gacanta laga tuuro ayaa sheegaya inay ku dhinteen Dad Tiradoodu dhan tahay 7 Qof, waxaana jira dhaawacyo.

Ma Jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarradan khasaaraha keenay, laakiin waxa Goobaha Weerarradu ka dhaceen markiiba gaadhay Ciidammada Amniga, kuwaasi oo bilaabay baadhitaano.

Masuuliyiinta Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaan illaa hadda ka hadal Weerarradan.

Ku xidhnoow HCTV.NET oo la soco Warkan oo Faahfaahsan iyo Waxa ka soo kordha Weerarrada Caawa ka dhacay Muqdisho.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka