Soomaaliya Iyo Talyaaniga Kala Saxeexday Mashruuc Lagu Dhisayo Biyo Xidheenka Beledweyne

Muqdisho, (HCTV) – Dawladda Somalia iyo Talyaaniga ayaa kala saxeexday mashruuc lagu dhisayo biyo xidheenka Beledweyne ee dalka Somalia.

Mashruucan ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay dhismaha Biyo-xidheen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaada ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeranba.

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u siixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo Yuuro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada ay la garab taagan tahay.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.