Millionaire Xaaskiisa Dilay Oo Afar Sano Kadib Laga Soo Qabtay Mexico

Mexico, (HCTV) – Milyaneer dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Ingiriiska oo baxsan ahaa muddo afar sano ah ayaa lagu xidhay dalka Mexico, kaas oo xukunka dilka xaaskiisa oo ka dhacday guri ay ku leeyihiin California ku wajihi doonta dalka Maraykanka.

Peter Chadwick, oo da’diisu tahay 55 sano ayaa haysta dhalashada Maraykanka, ayaa laga soo qabtay meel u dhow caasimada Mexico iyadoo dawlada Maraykanku ay uga mahadceliyey tibaax la siiyey oo ay kaga baxday $100,000 Abaalmarin ah, sida ay sheegeen bileyska oo shir-jaraa’id qabtay.

“Maanta waa maalin fiican. Waxaanu soo xidhnay Ninkii Maraykanka sida weyn looga doondoonayey ee ku jiray liiska dadka la daydayayo,” sidaasi wax yidhi Xeer-ilaaliyaha degmada Orange Mr Todd Spitzer, waxaanu intaasi ku daray “Ma iloobayno foolxumada – ay dhibanaha ka tahay haweenay 21 jir ah, ,oo saddex caruur ah lahayd.”

Sanadkii 2012-kii, Chadwick ayaa soo garaacay ciidamada bileyska isaga oo sheegaya in xaaskiisa la dilay.

Balse markii dambe Ciidamada Bileyska ayaa Chadwick ka soo xidhay meel jirta dhawr mile oo xadka waqooyiga dalka Maraykanka ah waxaanay heleen cadaymo farihiisu ka mid yihiin oo muujinaya inuu isagu dilka geystay.

Waxaanu markii dambe uu sheegay inuu u dilay gabadhiisa markii uu khilaaf dhaqaale oo ku saabsan furniinku uu soo kala dhexgalay.

Kaas oo bishii December 2012 lagu sii daayey $1 million damaanad ah iyo inuu soo gudbiyo baasaaboorada uu haysto ee Maraykanka iyo Ingiriiska.

Balse sanadkii 2015 ayuu baxsaday, isagoo ay talaabadaasi ku dhiirigalisay kaidb markii uu akhriyey buug ka hadlayey sida loo badalo cadaymaha ee loo baxsado.

https://www.latimes.com/california/story/2019-08-06/orange-county-millionaire-peter-chadwick-fugitive-captured-mexico

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.