Somaliland Oo Ka Hadashay In Wefti Ka Socdaa Isreal Tagay Iyo In Kale

Hargeysa (HCTV) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Warar lagu sheegay in Wefti ka socda Somaliland uu booqasho qarsoodi ah ku tagay Dalka Isreal.

Labadii Maalmood ee u dambeeyay ayaa waxa Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka la isku waydaarsanayey Warar sheegaya in Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Dastuurka Somaliland uu booqasho ku tagay Isreal.

Laakiin, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda Somaliland, Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo ka hor intii aan Maanta loo Magacaabin Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka uu Telefiishanka HCTV waydiiyey waxa ka jira in Wefti Somaliland ka socdaa tageen Dalka Isreal, ayaa ku jawaabay “Wasaaradda Khaarajigu iyadaa og Wufuudda ka baxaya Somaliland ee Dalka dibeddiisa tagaya, waxaanan kuu xaqiijinayaa Wefti aanu ka war qabno oo shaqo ama Hawlo kaleba u tagay Dalka Isreal.”

Wasiir ku-xigeenka oo la waydiiyey Dalalka uu Safarka ku tagay Wasiirka Dastuurka oo ah Masuulka loo tuhmay inuu Isreal tagay, waxaanu ku jawaabay “Wasiirka (Dastuurka Somaliland) muu tagin Dalka Isreal, sidaanu ka war qabno, laakiin wuxuu u baxay Safar kale oo shaqo oo Afrika ah..” ayuu yidhi.

HORN CABLE TV