Washington: Nin Dab Isku Hor Qabadsiiyey Aqalka Cad

Washington, (HCTV) – Nin ayaa dab isku hor qabadsiiyey isagoo doonayey inuu is-gubo Aqalka Cad ee dalka Maraykanka looga arimiyo hortiisa.

Ninkan ayaa dabka ku qabtay Jaakeedkii uu xidhnaa ka hor intii aanay ciidamada Ilaalada Gaarka ah ee loo yaqaano Secret Service aanay ku soo yaacin isla markaana aanay ka saarin koodhka uu xidhnaa ee uu dabka qabadsiiyey.

Waxaana laga daweynayaa dhaawacyo soo gaadhay, waxaanu shilkani dhacay 3 galabnimo.

Kooxda la dagaalanka dabka ee magaalada Washington DC, ayaa ku waramay in ay iyagu afar dhaawac oo yaryar ay ka daweynayaan ninkan doonayey inuu isgubo.

Waaxda Online-ka Ee HCTV