Garoomada Diyaaradaha Kenya Oo La Xidhay Kadib Shaki Ka Dhashay Duulimaadka Kenya Airways

Nairobi, (HCTV) – Duulimaadka diyaarada Kenya Airways ayaa la joojiyey kadib markii mid ka mid ah rakaabkii diyaarada saarnaa uu sheegay in diyaarada banbo ku jirto.

Duulimaadkan diyaarada Kenya Airways ee (flight KQ 762) ayay kaga duuli lahayd garoonka Jomo Kenyatta International Airport  ee magaalada  Nairobi ayaa ku jihaysnaa magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Nin ka mid ahaa rakaabka diyaarada Kenya Airways ayaa la xidhay kadib markii uu sheegay in diyaarada Banbo saaran tahay, taas oo keentay shaki iyo in la joojiyo gabi ahaanba duulimaadkaasi.

Sidoo kale Garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ayaa gabi ahaanba la joojiyey dhaqdhaqaaqiisa si ku meelgaadh ah, waxaana baadhis xoog leh lagu sameeyey duulimaadkii diyaaradaasi ku tagi lahayd Johannesburg .

Ninkan shakiga ku abuuray duulimaadka diyaarada Kenya ayaa loo gacan galiyey ciidamada ka hor taga Argagixisada si ay su’aalo dheeraad ah u weydiiyaan.

Tan iyo markii warkaasi soo baxay ayaa waxa war-saxaafadeed ay ku cadaynayso arintaasi waxa soo saartay shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways.

HORN CABLE TV.