Trump Oo Codka Veto-ga Ku Diiday Joojinta Ka Qaybqaadashada Dagaalka Yemen

HomeSomali NewsBreaking News

Trump Oo Codka Veto-ga Ku Diiday Joojinta Ka Qaybqaadashada Dagaalka Yemen

Talyaaniga Oo Maxkamadaynaya Gabadh Badbaadisay Tahriibayaal
DAAWO : Dooddii Siyaasiyiinta ee Wadaxaajoodka Soomaaliya oo Dhamaystiran
Madaxweyne Farmaajo Oo Shacabka La Kulmay Xili Muqdisho Rayid Lagu Laayey
Qarax Muqdisho ka Dhacay oo Dilay 11 Ruux
WARBIXIN : Halkee ayay Maraysaa dhismaha Wadada Ceerigaabo.

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto-ga ku diiday dalab aqalka Congress-ku uu dalka Maraykanka kaga joojinayey ka qaybqaadashada Maraykanka ee dagaalka Yemen iyo taageerada Milatariga Maraykanku ay siiyaan xulafada Sucuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Go’aankan Madaxweynaha dalka Maraykanka uu ku diiday codayntii Congress-ka Maraykanku ay markii ugu horaysay ku meelmariyeen qaraar lagu joojinayey ku luglahaansha maraykanka ee dagaal ka socda dalka Maraykanka dibadiisa.

“Qaraarku muu ahayn mid daruuri ah, waxa uu ahaa isku day dhaawacayay awoodayda dastuuriga ah, waxa uu khatar galinayey nafaha muwaadiniin maraykan ah iyo xubno u shaqeeya maraykanka, maanta ama bari.” Ayuu yidhi Madaxweyne Trump oo soo saaray War-saxaafeed.

HORN CABLE TV.

COMMENTS