Madaxweynaha Somalia Oo Socdaal Ugu Ambabaxay Dalka Masar

HomeSomali News

Madaxweynaha Somalia Oo Socdaal Ugu Ambabaxay Dalka Masar

Budhcad-badeed Soomaali Ah Oo Hawl-galo Ka Fuliya Nigeria
Guddiga Wanaag-farista Oo Ka Digay In Somaliland Laga Xuso Curashada Sannadka Cusub Ee Miilaadiga
Maqaal: Maxaa Ka Dhalan Kara Dagaalka iyo Cunaqabataynta Farmaajo Ee Jubaland ?
Hoggaamiyeyaasha Galbeedka Afrika Oo Ku Yaboohay $1bn Oo Lagula Dagaalamo Kooxaha Hubaysan
5 Qof Oo Ku Dhintay Roobab Xoogle Oo Ka Da’ay Dalka Uganda

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta socdaal ugu amba baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir ay yeelanayaan Madaxda Wadamada Midowga Afrika.

Shirkan ka dhici doona dalka Masar ayaa lagaga tashanayaa xaaladaha ay ku sugan yihiin dalalka Sudan iyo Algeria iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalalkaasi.

Hase yeeshee waxa aan ilaa iyo hadda la ogayn cida uga qaybgalaysa dalalka Sudan iyo Algeria oo ka mid ah dalalka qaarada Afrika ee shirka ku yeelanaya dalka Masar oo isagu sanadkan la wareegay hogaaminta ururka Midawga Afrika.

HORN CABLE TV.

COMMENTS