“Xisbiga WADDANI Maaha Mucaarad..” UCID

Hargeysa (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Xisbiga WADDANI ku eedeeyay inuu ku ballan furay heshiisyo ay ka gaadheen arrimo khuseeya Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID, Axmed Xirsi Ducaale oo Maanta la hadlay Saxaafadda ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan Ummadda u caddeeyo, 14-ka bilood ee ay socdeen Wada-hadalladu wuxuu ahaa Xisbiga WADDANI, Xisbiga mar walba oo uu soo fadhiisto Rayi cusub aan keenin iyo waxa uu doonayo, Muran uun mooyaane, markaa Annaga inay nagu eedeeyaan Xisbigaas baad raacdeen xaq maaha..”

Xoghayuhu waxa kale oo uu sheegay “Shirkii u dambeeyay ee ay nagaga kacaeen wuxuu ahaa oo uu ka dhacay Xafiiskayaga, qodobbada ah bisha June baa la Magacaabayaa iyo bisha August baa la Magacaabay (Guddiga doorashooyinka) ayaanu ka soo tashanaynaa ayay ahayd waxay nagaga tageen, xitaa waxay nala ogolaayeen 7-da Xubnood ee la Magacaabayo iyo labada Xubnood ee Doorashada ka dib lagu darayo Komiishanka..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Markay Warbaahinta ka hadleen Maalintii dambe, waxay Ummadda horteeda ka sheegeen in aanu jirin wax Alaale iyo wax ay nala qaateen, markaa Xisbiga WADDANI isagaa is buriya. Xisbiga WADDANI maaha Xisbi Mucaarad ah, WADDANI uma dhisna Xisbi ahaan sida uu isagu sheegay..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka