Qatar Oo Yeelatay Tareenkii U Horreeyay Ee Dhulka Hoos-maraya

Qatar (HCTV) – Dawladda Qatar ayaa Arbacada Maanta Xadhigga ka jartay Tareenkii u horeeyay ee Dhulka hoostiisa maraya ee Dalkaa laga hirgeliyo.

Lix Sannadood oo laga shaqaynayey hirgelintiisa waxay Qatar markii u horraysey Daah-furtay Tareen dhulka Hoostiisa maraya, kaasi oo bilow u noqonaya Isku Socodka Gaadiidka noocaas ah oo Qatar u guurayso.

Al-jazeera oo uu Telefiishanka HCTV Warkan ka soo xigtay ayaa sheegtay in tareenkani uu qayb ka yahay diyaar-garowga Koobka Kubadda Cagta Adduunka oo Dalka Qatar lagu qabanayo sannadka 2022.

Tareenkan oo Ordi doona Dacalka Xeebta ayaa ka dhaqaaqaya Degmada al-Qassar oo ka mid ah Caasimadda Doxa, waxaanu u gudbayaa Caasimadda Koonfurta Dalka Qatar ee Al-wakrah.

Qatar ayaa qorshaynaysa inay yeelato 75 Tareen oo noocan ah, 37 Istaan, inta la gaadhayo Sannadka 2020-ka.

Abdulla Al-Mawlawi oo ah Agaasimaha Xidhiidhka Bulshada iyo Isgaadhsiinta Tareennada Qatar ayaa Al-jazeera u sheegay in Mashaariicda Qatar waddo ee la xidhiidha Gaadiidku aanay kan la furay oo keliya ahayn ee kuwo kalena la hirgelinayo.

Tareenka Xadhigga laga jaray ayaa Saacaddii soconaya 80 ama 100KM.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka