Boosaaso (HCTV) – Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 5 dhalinyaro Soomaali ah oo lagu helay danbi ah in iyagoo ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ay hawl-gallo ka fuliyeen deegaamada Puntland.
Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay 11 Qof oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo iyagana lagu eedeeyay inay dhammaantood ka mid ah yihiin Al-shabaab.
“Dhammaan Xukuneyaashaasi waxay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab iyo Daacish, 5 xukumane waxay Maxkamaddu ku xukuntay dil Toogasho ah, waxayna Xukunkaa u cuskatay Xeerka la dagaalanka Argagixisada ee Puntland, waxaana shantaa xukunsane ka mid ah Cabdi Aada Xasan Cumar, Xuseen Jaylaani Isaaq, Maxamed Maxamuud Cali.” Sidaa waxa ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadaasi, Maxamuud Nuur Muuse
Dadka la xukumay ayaa hore Rafcaan u qaatay, laakiin Maxkamadda sare ayaa Maxkamadda hore ku raacday xukunkeeda, waxayna Shan ka mid ah dhallinyaradaa ku xukuntay Dil toogasho ah, halka 11 kalena ay ku xukuntay xukuno u dhexeeya xabsi 20 sano iyo illaa Xabsi daa’im.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka