Somalia Oo Sheegtay In Siminaaro Dambe Aan Loogu Qaban Doonin Nairobi

Muqdisho, (HCTV) – Dawladda Somalia ayaa qaaday talaabooyin ay hoos ugu dhigayso xidhiidhka Kenya ay la leedahay tan iyo intii khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal uu cirka isku shareeray kadib markii dawladda Kenya ay diiday inay dalkeeda soo galaan saraakiil ka tirsan dawladda Somalia.

Wasiirka Caafimaadka dalka Somalia ayaa ogaysiiyey hay’adaha ay wadashaqaynta leeyihiin inay joojiyeen oo ay badaleen kulanada wixii hada ka dambeeya in aanay kaga qaybgalayn caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

“Iyadoo ay ugu wacan tahay arimihii socdaalka Nairobi ee dhawaanahan, Wasaaradu waxay ku wargalinaysaa dhamaan kuwa ay wadashaqaynta leeyihiin in wakiilada wasaarada ka yimaadaan aanay ka qaybgali doonin kulamada soo socda ee qorshaysan, ee ah Aqoon Isweydaarsiga (workshops,) Siminaarada, iyo tababarada kale ee loogu qabto Nairobi,” ayuu sidaasi ayuu ku yidhi Warqada Ogaysiinta ah ee Wasiirka Caafimaadka ee dawladda Federalka ee Somalia.

Waxaana sidoo kale Wasaaradu ay ku boorisay in kulanadu ay ka dhacaan gudaha Somalia ama dalalka kale ee ay suuragalka tahay in si fudud loogu socdooalo.

Sidoo kale dhawaaqan ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu socdaal uu ku tagay dalka Koonfurta Afrika Jimcihii uu ka fogaaday inuu maro hawada sare ee dalka Kenya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA