Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay 14 maxbuus oo Ciidammada lagaga qabtay dagaalkii Sannadkii hore ka dhacay Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool ee Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo goor dhawayd Shir-jaraa’id qabtay ayaa isagoo faahfaahinaya sababta loo siidaayey Maxaabiistaasi wuxuu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu fagaarihii lagu xusayey 28 Guuradii Madax-bannaanida Somaliland uu ka caddeeyay inuu Nabadgalyo diyaar ula yahay Cid kasta, isla-markaana Xukuumadda Somaliland ay siidaynayso Maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii lagu soo qaaday deegaanka Tuke-raq ee gudaha Dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka dambeeyeen Maamulka Farmaajo, Maxaabiistaas oo tiradoodu dhamayd 14 Maxbuus, kuwaasi oo Magacyadooduna kala ahaayeen:-
- Cabdinaasir Cismaan Cali
- Cabdinuur Maxamed Cabdulle
- Maxamed Siciid Yuusuf
- Cali Faarax Aadan
- Maxamed Cabdi Caynab
- Cabdixaafid Cabdillaahi Xalane
- Xuseen Siciid Warsame
- Cabdinaasir Maxamed Nuur
- Maxamed Abshir Aadan
- Ibraahim Xasan Salaad
- Axmed Maxamed Axmed
- Siciid Ducaale Cali
- Mahad Nuur Cali
- Faarax Maxamed Cabdi
Maxaabiistaa wuxuu Madaxweynaha Somaliland uu Maanta ku saamaxay Wareegto Madaxweyne. Madaxweynuhu markuu arkay Dastuurka JSL qodobkiisa 90-aad, farqaddiisa 5-aad, markuu arkay qoraalka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidammada Qaranka ee ku taariikhaysan 26-ka bisha 5-aad, 2019, markuu Tixgeliyey nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika iyo bisha barakaysan ee Ramadaan, markuu la tashaday Cidda ay khusayso wuxuu go’aansaday in laga bilaabo Taariikhda Maanta uu saamaxaad u fidiyo Maxaabiista dagaal ee Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo qabteen Dagaalkii Tuke-raq.”
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka