Tirada Dad Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Kiniisad

HomeSomali News

Tirada Dad Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Kiniisad

Kun Qof Oo Laga Soo Samatabixiyey Tareen Ku Xanibmay Roobab Ka Da’ay India
Somaliland Oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Soomaaliya
Madaxweyne Biixi Oo Rejo Ka Muujiyey Arrinta Kornayl Caarre
Britain Oo Loogu Baaqay Inay Baadho Sababata Shaqaalaha Caafimaadka Ee Afrika, Asia Iyo Bariga U Dhimanayaan
Rabshado Hadheeyey Maraykanka Oo Dad Ku Dhinteen Kadib Kongareeska Oo Ansixiyay Guushii Joe Biden

Burkina Faso (HCTV) –  Afar Qof ayaa lagu dilay Weerar lagu qaaday Kiniisad ku taalla Waqooyiga Dalka Burkina Faso Axaddii Shalay, sida ay soo Werisay Al-jazeera oo HCTV soo xigtay.

Weerarkan ayaa ku soo badanaya xilli Gobolkaa ay ku soo badanayaan Weerarrada lala beegsanayo Goobaha ay ku cibaadaystaan Dadka Kiristaanka ah, isla-markaana khasaaraha la gaadhsiinayo.

“Bulshada Kiristaanka ah ee degaanka Toulfe waxay bar-tilmaameed  u ahaayeen Weerarro Argagixiso..” ayuu Justin Kientega oo ka mid ahaa Baadariyadaa Magaalada kiniisaddeeda la weerarray, waxaanu intaa ku daray “Weerarku wuxuu galaaftay Afar Qof oo ku dhintay..”

Ilo-wareedyo dhanka Ciidammada amniga ah ee Dalka Burkina Faso ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay inay Kiniisadda weerarreen Rag aad u hubaysan isla-markaana beegsadeen Dad ku cibaadaysanayey, halkaana ay ku dileen Afar Qof.

Toufle ayaa 240km dhanka Waqooyi-galbeed ka xigta Magaalada Ouagadougou.

Dadka Weerarka geystay illaa hadda lama aqoonsan, mana jirto sheegatay Masuuliyadda Weerarka.

Deegaanka ay ku taallo Kiniisadda la weerarray ayaa waxa illaa sannadkii 2015-kii ka socday Weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana illaa xilligaa halkaa ku dhintay dad gaadhaya 400 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS