Garoowe (HCTV) – Roobab laxaad leh oo ka da’ay Deegaannada Puntland intooda badan ayaa sababay khasaare iskugu jira dhimasho, Baro-kac iyo Jidad go’ay.
Roobabkan oo ka da’ay Gobollo badan oo Puntland ayaa illaa hadda waxa la xaqiijiyey inay ku dhinteen 3 Qof, waxaana ka dhashay Fatahaado waaweyn, kuwaasi oo sababay inuu go’o jidka u dhexeeya Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo ah Magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed-karaash oo sidoo kalena ah ku-simaha Madaxweynaha Maamulkaasi ayaa Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Roobka, kuwaasi oo loo xil-saaray inay soo qiimeeyaan Khasaaraha gaadhay Dadka, Xoolaha, Waddooyinka iyo waxyaabaha kale ee Muhiimka ah.
Guddiga ayaa kala ah: –
1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye
2. Wasaaradda Hawlaha Guud , G/Ku Xigeen
3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha , Xubin
4. Wasaaradda Maaliyadda Xubin
5. Wasaaradda Ganacsiga Xubin
6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Xubin
7.Wasaaradda Deegaanka Xubin
8.Wasaaradda Caafimaadka Xubin
9.Wasaaradda Qorshaynta Xubin
10.Madaxtooyada Xubin
11.Taliska Ciidanka Booliska Xubin
12. Hay’adda HADMA Xoghayn
13.Hay’adda PHA Xubin
14.Guddoomiyayaasha Gobollada Xubin
Ku-simaha Madaxweynuhu wuxuu Cid kasta oo hawshani khusayso uu ka codsaday inay Guddiga kala shaqeeyaan Gurmadka ay Dadka ku samato-bixinayaan, waxaanu markaa ka dib uu kormeer ku tagay Goobaha khasaaruhu ka jiro.
HCTV kala soco Wixii Warkan ku soo kordha
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka