Dad Rayid Ah Oo Lagu Dilay Gaalkacayo Iyo Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Cambaareeyey

HomeSomali NewsBreaking News

Dad Rayid Ah Oo Lagu Dilay Gaalkacayo Iyo Xildhibaanada Aqalka Sare Oo Cambaareeyey

Madaxweyne Farmaajo Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha Cusub Ee Ciraaq.
Madaxwaynaha Somaliland Booqasho Rasmi ah ku Tagay Dalka Ethiopia.
Degdeg: Saudi Arabia Oo Dil Ku Fuliyay 37 Qof
Dawladda Sweden oo ka Noqotay Xayiraaddii Socdaalka Hargaysa.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Ka Hadlay Muddo Kordhinta

Gaalkacayo, (HCTV) – Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shacabka ka tacsiyadeeyay dadkii lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanada ayaa Maamullka Galmudug ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaaladda u hor keenaan dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Dhinaca kale shacabka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayay ugu baaqeen in ay is-dajiyaan oo aanay xaalada uga sii darin.

Dhinaca kale warar Faahfaahsan ayaa ka soo baxaya dilka 9 qof oo rayid oo ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaddib markii maleeshiyo beelleed la sheegay inay ka cadhaysan yihiin dilkii sarkaal ka tirsanaa maamulka Galmudug si wadar ah u toogteen dadkaasi.

Waxaana wararka ay sheegayaan in dilka dadkan uu yimid kaddib markii Kooxo hubaysan ay Magaalada Gaalkacyo ku dileen xalay Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad suggida Galmudug oo lagu magacaabi jiray Cali Tahliil Cadceed, balse markii danbe maleeshiyaad aan haybtooda la garanayni ay toogasho ku dileen 9 qof. 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS