Qaramada Midoobay Oo Cambaaresay Weeraro Ka Dhacay Kenya Iyo Soomaaliya.

New York, (HCTV) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa cambaareeyey weeraradii maalintii sabtidii ka dhacay Degmada Wajeer ee dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan sideed Askari oo ka tirsan Ciidamada Bileyska ee dalka Kenya kadib markii gaadhigii ay saarnaayeen loogu xidhay walaha qarxa iyo sidoo kale weeraro qaraxyo ah oo loo adeegsaday gaadhi oo ka dhacay magaalada muqdisho ee Somalia, halkaas oo sidoo kale ay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay sideed qof.

Sidoo kale Weeraradan ayay ku dhaawacmeen dad tiro badan waxaana sheegtay ururka Al-shababaab.

Weerarka Kenya ka dhacay ayaa waxa la socday in saddex askari oo bileyska Kenya ka tirsan lagu afduubto degmada Wajeer maalintii Jimcihi.

Waxaanu xoghayaha Qaramada Midoobay uu tacsi u diray qoysaskii kuwii la laayey iyo dawladaha Kenya iyo Somalia, isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyey inay dhakhso uga soo kabtaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.