Maraykanka Oo Internet-ka Ka Weeraray Computer-ada Laga Hago Gantaalada Iran

Washington, (HCTV) – Milatariga dalka Maraykanka ayaa weerar dhinaca internet-ka ku qaaday hanaanka sawaariikhda ee dalka Iran sida ay sheegayaan warar ka soo baxaya weerarkaasi dhinaca cyber-ka ah oo tilmaamaya inay ka mid ahaayeen weeraro dhawr ah oo uu amray Madaxweyne Donald Trump in lagu qaado dalka Iran, kadib markii ay dalkaasi uu soo riday diyaadaha qaaliga ah ee drone-ka dalka Maraykanka.

Jabsashadan lagu sameeyey lagu joojinayey hanaanka computerada ee haga sawaariikhda iyo gantaalada dalka Iran ayay wakaalada wararka ee AP ay u xaqiijiyeen laba sarkaal, kuwaas oo sheegay in taaabadaasi uu ansixiyey Madaxweyne Trump.

Waxaanay labada sarkaan ay intaasi ku dareen in bartilmaameedka ugu horaaya ee weerarkaasi lagu qaaday hanaanka Computer-ada ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, kuwaas oo la rumaysan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii lagu ekeeyey labada markab ee saliida siday ee ka gooshayey marinta badda ee Hurmoz.

Xiisada labadan dal ee Iran iyo Maraykanka ayaa isa soo taraysay tan iyo markii dawlada Madaxweyne Trump ay ka baxday heshiiskii dhinaca nuclear-ka ee dalka Iran uu la galay Madaxweyne Obama 2015-kii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.