Ciraaq Oo Meel Adag Ka Istaagtay Weerar Dalkeeda Lagaga Qaado Iran

Baghdad, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Ciraaq, Barham Salih ayaa sheegay in Ciraaq aanay ogolaan doonin in Maraykanku uu u isticmaalo Saldhigyada ku yaala dhulka Ciraaq weerar uu kaga qaado dalka ay jaarka yihiin ee Iran.

“Ma Doonayno in dhulkayaga talaabo cadaawad dhalin karta loogu adeegsado dalalka aanu jaarka nahay, oo ay ku jirto Iran. Kumana jirto heshiiska ka dhexeeya Ciraaq iyo Maraykanka,” ayuu yidhi Salax Madaxweynaha dalka Ciraaq oo la hadlayey CNN-ta.

Hase yeeshee Waraysi uu telefishanka CBS uu bishii February uu siiyey Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa waraysigaasi ku sheegay in dawlada Dalka Maraykanku ay sii joogayso saldhigyada milatari ee ay ku leeyihiin Ciraaq si ay ugala socdaan dalka Iran.

Waxaana maalintii xigtay war-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka dalka Ciraaq, Xasan Kaabi uu sheegay in aqalka sharci dajintu uu soo jeediyey in meesha laga saaro dhamaan heshiisyadii dhinaca amaanka ee dawlada Maraykanka lala lahaa, taas oo horseedi doonta in dhamaan ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalkaasi.

Dawlada dalka Maraykanka ayaa markii hore u dirtay tobanaan kun oo ciidamo ah dalka Ciraaq horaantii 2001-dii, kuwaas oo qayb ka ahaa duulaankii uu dalku Maraykanku uu ku qaaday dalkaasi Ciraaq.

Iyadoo dhamaan ciidamadii Maraykanka ee joogay dalka Ciraaq lagaga saaray heshiis ay sanadkii 2011-kii ay wada galeen Ciraaq iyo Maraykanku, hase yeeshee sanad ka dib ayaa hadana Maraykanku uu ciidamo kale uu soo dhoobay dalka Ciraaq si ay ula dagaalamaan kooxda la baxday dawlada Islaamka, kuwaas oo lagu qiyaasay 5,000 Askari inay ku sugnaayeen Ciraaq ilaa 2018-kii.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.