Taliyaha Saldhigga Booliska Gaalkacayo Oo Qarax Lagu Dhaawacay

0
4

Gaalkacayo (HCTV) – Taliyaha Saldhigga Booliska ee degmada Gaalkacayo, qaybteeda Gal-mugud Cawil Nuur Rooble ayaa dhaawac culus ka soo gaadhay Qarax loogu xidhay Gaadhigiisa.

Taliyaha ayaa Qaraxu qabsaday isagoo maraya Koonfurta Magaalada Gaalkacayo, waxaana soo gaadhay dhaawac culus, sida  uu soo sheegayo Weriyaha Telefiishanka HCTV ee Magaalada Gaalkacayo.

Taliye Cawil ayaa la dhigay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Gaalkacayo, si loola tacaalo Xaaladdiisa Caafimaad.

illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Weerarkan oo aan la ogayn in Cid kale wax ku noqotay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here