Nigeria: 45 Qof Oo Ku Dhintay Gaadhi Shidaal Siday Oo Dab Ka Kacay

Ahumbe, (HCTV) – Ugu yaraan 45 qof ayaa ku dhintay, halka tiro ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen gaadhi shidaal siday oo wadada hareer yaalay, kaas oo ku qarxay dad doonayey inay gaadhigaasi shidaalka sida ee shidaalku ka daadanayay ka dhurtaan, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka degdega ah.

Gaadhigan ayaa shidaalku uu ka qubanayey markii ay dadka deegaanka uu taagnaa ay ku soo yaaceen si ay uga dhirtaan shidaalka qubanaya waxaana dab ka kacay taangiga gaadhigaasi uu keenay qaraxa xoogan ee dadka badani ay ku dhinteen.

“Waxa aanu dib usoo ururinay 45 ku dhintay halka 100 qof oo kale ay six un u gubteen,” sidaasi waxa yidhi gudoomiyaha guddida wadooyinka ee gobolka Benue ee dalka Nigeria oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP.

Waxaanu intaasi ku daray in sida ay u muuqaadan iyo sida ay xaaladoodu ay tahay aanay kuwo kale oo badani aany badbaadi doonin.

Isagoo sheegay Mr Aliyu Baba in haweenay uur leh iyo ugu yaraan laba caruur ahi ay ka mid yihiin kuwa dhintay, sidoo kale laba ka mid ah raga dabdamiska ayaa si xun u gubtay.

Dabkan shidaalka ka dhashay ayaa dadka ay waxyeeladu ay soo gaadhay ay ka mid yihiin dad bas rakaab ah saarnaa oo agmarayey markii qaraxa shidaalku uu dhacay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.