USA: Dhul-gariir Mar Kale Ku Dhuftay Gobolka California

HomeSomali News

USA: Dhul-gariir Mar Kale Ku Dhuftay Gobolka California

Madaxweyne Farmaajo Oo Safiirka Soomaaliya Ee Sucuudiga
Faransiiska Oo Cunaqabatayn Ku Soo Rogaya Siyaasiyiinta Lubnaan
Erdogan Oo Ku Dhawaaqay Qorshe Uu Ciidamo Ugu Dirayo Liibiya
Beesha Caalamka Oo Soo Dhowaysay Qodobadii Kasoo Baxay Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Wadatashiga Somalia
Dawladda Mali Oo Siidaysay Maxaabiis Gaadhaya 180

USA (HCTV) – Dhul-gariir culus ayaa mar kale ku dhuftay Koonfurta Gobolka California ee Dalka Maraykanka.

Dhul-gariirkan ayaa Cabbirkiisa lagu sheegay 7.1 magnitude, sida laga soo xigtay Saynisyahannada Aqoonta u leh Dhul-gariirrada, waxaana kii ugu weynaa ee Halkaa ku dhufta muddo 20 sanadood gudahood ah.

Dhul-gariirkan ayaa ka dhacay meel Waqooyi-bari ka xigta Magaalada Los Angeles., waxaana Saynisyahannadu sheegayaan inay suurto-gal tahay inuu sii socdo Dhul-gariirku, maaddaama oo kani yahay kii labaad ee muddo Laba maalmood gudahood ah halkaa ka dhaca.

“Kani waa Dhul-gariir Xidhiidh ah, wuxuu sii soconayaa..” ayay tidhi, Dr Lucy Jones oo Shir-jaraa’id qabatay

“Dhul-gariir kastaaba waxay u badan tahay inuu dhul-gariir kale sameeyo..” ayay tidhi, iyadoo hadalkeeda raacisay in boqoliiba 10 u dhow dahay inay isku cabbir noqdaan Dhul-gariirkan iyo ka ay saadaalisay inuu dhacayoo.

Markii Dhul-gariirkani dhacay waxa dab ka kacay Meelo ka mid ah Gobolka California, waxaana jira Dad dhaawacyo soo gaadheen, sida uu sheegay Maayarka Magaalada Los Angeles.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

.

 

 

COMMENTS