Gaalkacayo: Haweenay Muddo Iska Dhigaysey Nin Oo La Qabtay

Gaalkacayo(HCTV) – Ciidammada Booliska ee degmada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa Gacanta ku dhigay Haweenay Muddo dheer Iska dhigaysay Nin isla-markaana la sheegay inay haween ay Nin ahaan u guursatay, inkasta siday u suurto-gashay su’aali ka taagan tahay.

Booliska ayaa soo bandhigay Shay la sheegay inay dhexda ku xidhan jirtay oo ay u ekaysiin jirtay Xubinta Taranka ee Ragga oo kale, taasi oo layaab ku noqotay cid kasta aragtay.

Booliska Gaalkacayo oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Waxa la soo qabtay Gabadh lagu Magacaabo Deeqa Cabdillaahi Aadan, laakiin Nin sheegan jirtay oo la odhan jiray Deeq, taasi oo in muddo ah ku noolayd Magaaladan iyadoo Nin matalaysay, dumar badana xidhiidh la yeelatay, sidaad aragtaana hubaysan.”

Sarkaal u hadlay Booliska ayaa isagoo hadalkiisa sii wata sheegay “Baadhitaan dheer ka dib waxa la ogaaday inay Gabadh tahay, ujeeddada iyo danta ay ka lahaydna weli baadhitaan ayay ku jirtaa, Dumarka ku jira Booliska ayaa baadhitaan ay ku sameeyeen waxa ka soo baxday inay tahay Ruux Haween ah.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxan waa waxay u isticmaalaysay Qalabkii Ragga oo kale, dhexda ayuu ugu xidhnaa.”

Deeqa Cabdillaahi Aadan oo lafteeda ay Warbaahintu wax ka waydiisay waxa ka jira eedaynta ah in aanay Nin ahayn ee ay haween tahay ayaa ku jawaabtay “Eedayntaa la igu soo eedeeyay way jirtaa, Dumar baan ahayn..” ayay tidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka