Kismaayo (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe) ayaa Shir-jaa’id oo uu goor dhawayd ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa faahfaahiyey Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al-shabaab ku qaadday Gelinkii dambe ee Shalay Huteelka Cascaseey.
Madaxweyne Axmed-madoobe wuxuu sheegay in Weerarku uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaanu mid mid u sheegay Jinsiyadaha Dadka halkaa ku dhintay.
Mudane Axmed-Madoobe wuxuu sheegay in Dadka Weerarkaa ku Geeriyooday ay tiradoodu dhan tahay 26 Qof, 56 kalena dhaawacmeen, Dadka Geeriyooday 10 ka mid ahi ayuu Madaxweynuhu sheegay inay ahaayeen Ajaanib, sida 3 Qof oo Kenyaan ah, Canadian 1 Qof, British 1 Qof, American 2 Qof. Tanzanian 3 Qof.
Ka Sakow Tirada Dadka Geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay, Madaxweynuhu wuxuu cambaareeyay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid bahalnimo ah, waxaanu Tacsi u diray Ehelada Dadkii ay ka baxeen Dadka Geeriyooday.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka