Faahfaahin: Laba Guddoomiye Degmo Oo Ku Dhintay Qarax Iyo Duqii Muqdisho Oo Dhaawac Ah

Muqdisho (HCTV) – Wararkii u dambeeyay ee soo baxaya Qarax Maanta ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay Qaraxaa ku geeriyoodeen laba Guddoomiye degmo, halka Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow uu ku dhaawacmay.

Wararka hor-dhaca ah ee ka soo baxaya Qaraxaasi ayaa sheegaya inay Geeriyoodeen Guddoomiyihii degmada Cabdicasiis, Sabaax Asad iyo guddoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi, waxa kale oo jira dad ku dhaawacmay Qaraxaasi oo aan weli Cid sheegatay aanay jirin.

Dadka dhaawacmay waxa ka mid ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Masuul ka mid ah Maamulka Gobolka Banaadir oo la hadlay Saxaafadda qaar ayaa sheegay “Guddoomiyaha Gobolka Banaadir wuu nool yahay oo ma dhimanin..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dadku ha is dejiyaan.”

Qaraxan ayaa la sheegay inuu geystay Qof isa soo miidaamiyey oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana la sheegay in Qaraxu ka dhacay Hoolka shirarka ee Dawladda hoose ee Muqdisho.

Arbaca kasta waxa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinku ay Hoolka Qaraxu ka dhacay ku yeeshaan Shir.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka