Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia

HomeSomali News

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay U Qaabilsan Somalia

Jilaa Caan Ku Ahayd Filimada Horor-ka Ah Oo Britain U Dhalatay Oo U Geeriyootay Coronavirus
Dibadbaxayaal Cadhaysan Oo Dab Qabadsiiyey Saldhiga Booliska Ee Minneapolis
Akhri: Qarax Labaad Oo Caasimadda Denmark Ka Dhacay 4 Maalmood Gudahood
Puntland: Duqayn Dhinaca Cirka Ah Oo Lagu Dilay 3 Qof Oo Looga Shakisan Yahay Daacish
Garoowe: Guddiga Xalinta khilaafaadka ayaa ka warbixyay kulan ay la Yeesheen Musharaxiinta

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador James Swan.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Ambassador James Swan ayaa waxa ugu horayn kulankaasi Madaxweynaha iyo Ergayga faahfaahin ka bixyey Wasiirka horumarinta maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, isagoo kulankaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Maanta oo axad ah waxa madaxweynaha Somaliland ku soo booqday xafiiskiisa, wefti ka socda Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa oo uu hogaaminayo ergayga gaarka ah ee xoghayaha Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa James Swan.

Markii ugu horaysay maaha ee uu Somaliland yimaado hore ayuu u yimid, Ergaygii ugu horeeyeyna maaha oo dhawr Ergay ayaa ina soo maray.

Madaxweynuhu aad ayuu usoo dhaweeyey weftiga waxaana laga wadahadalay amuuro kala duwan iyo sidii la isku kaashan lahaa, waxa laga wadahadlay hawlaha hay’addaha Qaramada Midoobay ay halkan ka wadaan, si fiican ayaa la isku afgartay waxaana lagu heshiiyey in wadashaqayn halkaa laga sii wado oo la sii xoojiyo, intaas ayaanu ku soo dhamaaday kulankii marka guud ahaan la isku soo duuduubo,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.

Dhinaca kale Ambassador James Swan oo isaguna kulankaasi ka dib Warbaahinta kula hadlay xarunta Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Marka ugu horaysa waxaan u mahadnaqayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dadka Somaliland soo dhaweynta diiran ee aan kala kulmay intii aan ku gudo jiray booqashadayda.

Way fiican tahay inaan ku soo noqdo Hargeysa, booqashadaydii ugu horaysay waxay ahayd 1995-kii, markii labaadna waxaan soo noqday sanadkii 2012-kii iyo 2013-kii.

Intii aan ku gudo jiray socdaalkayga labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan arkay horumarka ay gaadhay, ee dhinacyada dhaqaalaha iyo siiwadida amaanka,” ayuu yidhi Ambassador James Swan oo warbaahinta la hadlayey kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi kadib.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS