Jarmalka Oo Diiday Inuu Ka Mid Noqdo Qorshaha Maraykanka Ee Marinka Hormuz

Berlin, (HCTV) – Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in dalkiisu aanu ka qayb qaadan doonin hawlgalka maraykanku hogaaminayo ee ciidamo lagu dhigayo marin biyood Hormuz ee gacanka Persia.

Mr Maas ayaa u sheegay wariyeyaasha xili uu ku gudo jiray socdaal uu marayey dalka Poland in dalka Jarmalku aanu marnaba qayb ka noqon doonin hawlgalka badda ee xiligan uu wado dalka Maraykanku, waxaanu intaasi ku daray in xiligan ay jirto xiisad sii laba kaclaysay oo u dhaxaysa Maraykanka iyo Iran, taas oo uu tilmaamay in ay tahay mid khatar ah oo loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo dab ku sii hurinaya xiisada Gacanka ka taagan.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii dawlada Maraykanku ay ka codsatay Jarmalka iyo dalalka kale ee Yurub ee gaashaanbuurta la ah inay ka qayb qaataan hawlgal ciidamo badeed oo uu sheegay in looga baahan yahay inay ilaaliyaan maraakiibta isticmaalaysa marinka Istaraatajiga ah ee Hormuz, halkaas oo 20% saliida caalamku ay marto.

Go’aankan ah in aanay ka mid noqon hawlgalkaasi ayaa loo malaynayaa in Berlin ay ku dhiirigalisay cadaadiska sii kordhaya ee Maraykanku uu ku hayo Iran inay khalad tahay.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.