Ugu Yaraan 40 Qof Oo Ka Qaybgalayey Xafladd Aroos Oo Lagu Dilay Liibiya

Murzuq, (HCTV) – Ugu yaraan 40 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay tiro intaa ka badana lagu dhaawacay weerar dhinaca cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xafladd aroos oo dhacaysay koonfur-galbeed ee dalka Libya, sida ay ku waramayaan warbaahinta.

Wararku waxay intaa ku darayaan in weerarkan ay qaadeen ciidamada daacada u ah ninka Awooda leh ee Khalifa Haftar ay ku qaadeen magaalada Murzsuq oo ku taala koonfurta dalka Libya.

Tan iyo intii uu weerarka ku soo qaaday ciidamada General Haftar ayaa lagu tiro ka badan 1,100 qof dalka Libya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.