Wax Ka Ogow Habab La Sheegay In Al-shabaab Dhaqaalaha Ku Hesho

HomeSomali News

Wax Ka Ogow Habab La Sheegay In Al-shabaab Dhaqaalaha Ku Hesho

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Togdheer
Sucuudi Carabiya Oo Soo Saaray Xeerar Cusub Oo Xoriyado Siinaya Haweenka
MAQAAL: Fool-Xumooyinka Ka Socda Ceel-Afweyn Iyo Khatarta Ay Leedahay Dilka Loo Gaysto Qof Muslim Ah
Taliyaha Bileyska Gobolka Hiiraan Oo Lagu Dilay Beledweyne
Madaxweynihii Amxaarada Iyo Taliyihii Ciidamada Ethiopia Oo La Khaarajiyey

Muqdisho (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga WADA-JIR ee Dalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka warramay hababka Al-shabaab uga dhex shaqayso Dalka Soomaaliya.

Wuxuu Sawir ka bixiyey sida ay dhaqaalaha uga hesho meelo ay Dawladdu gacanta ku hayso, sida Dekedda, Kaantaroollada Gaadiidka lagu Cashuuro, Cashuurro ay ka qaaddo Wax soo-saarka dalka dibeddiisa loo dhoofiyo,

Siyaasigan oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa isagoo mid mid u sheegaya siyaalo uu sheegay inay Al-shabaab kaga dhex shaqaysato Dalka Soomaaliya wuxuu yidhi “Al-shabaab waxay cashuur ka urursataa qaybo kala duwan Ganacsiga Dadweynaha Soomaaliyeed iyo meelaha ay Dawladdu gacanta ku hayso oo ay Dekeddu ugu horrayso, waynu ognahay in Al-shabaab ay Cashuur ka qaadaan Koontaynar kasta oo Dekedda yimaadda, Xogtaanu helaynaa waxay sheegaysaa koontaynarka 40-ka Feet ah waxay ka qaadaan $ 140 Dollar, kii 20 feet ahna waxay ka qaadaan $ 100 dollar, waxa kale oo ay Al-shabaab heshaa xogta la xidhiidha dhaqdhaqaaqa Dekedda.”

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu la kulanay Ganacsato Soomaaliyeed oo markii la waydiiyey inay bixiyaan Cashuurta Al-shabaab la soo hor-dhigay oo la yidhi waxan iyo waxan baad Dekedda kala soo degteen (ee bixiya Cashuurta Al-shabaab)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Al-shabaab waxay maraysaa Tuulada la yidhaahdo Mubaarik  Qof kasta oo Ganacsato ah oo Alaab la soo dega in Fayl loo furi, Lambarka diwaangelinta la siiyo. Waxa kale oo ay Al-shabaab qaaddaa Cashuurta wax soo-saarka beeraha ama Dalagga Beeraha, sida Liinta la dhoofiyo, xoolaha la dhoofiyo, waxa kale oo ay awood u yeesheen in heshiis ama Koontaraak kasta oo la galo inay boqolkiiba 5 ku yeelato Al-shabaab, ma jirto Nootaayo ku taalla Magaalada oo dhul kala wareejin karta iyadoon Al-shabaab laga siinin qaybtooda.”

Guddoomiyaha WADA-JIR wuxuu sheegay “Waxay ku guulaysteen in Gaadiidka Dadweynaha ay ka soo leexiyaan Jidadka ay Dawladdu gacanta ku hayso, si marka ay waddooyinka ay Maamulaan soo maraan ay cashuur uga qaataan. waxaynu ognahay in Hawlaha ay qabanayaan NGO-yadu ay Al-shabaab ka qaaddo boqolkiiba 30..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxaynu ognahay in dhaqdhaqaaqyada baananka iyo Xawilaadaha ay Al-shabaab Gacanta ku haystaan…”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS