Taliyaha Ciidamada Somaliland Oo Caarre Ku Tilmaamay Dambiile Dad Ku Laayey Sanaag

Hargeysa, (HCTV) – Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa dambiile qaran ku tilmaamay Kornayl Siciid Cawil Caarre oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka Somaliland, kaas oo sidoo kale sheegay in Caarre uu dad badan oo ciidamo iyo dad shicib ahba isugu jira uu ku dilay gobolka Sanaag.

Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay ahayd in Kornayl Caarre loo qisaaso dambiyada uu gaystay, sida uu taliyuhu hadalka u dhigay.

Ugu horayna Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani oo arinta kornaylkaasi hore uga tirsanaa ciidamadiisa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Caarre waxa uu ahaa Kornayl ka tirsan ciidamada, waanay ogyihiin ciidamadu waanay yaqaanaan, nin dhib badan oo dhibaato badan Sanaag ka gaystay inuu yahay.

Halkan, Miiskan Saraakiisha ee aad joogtaan ayuu ku xidhnaa isagoo afar nin loo haysto dilkood, ragbaa ololeeyey, ololeeyey oo ninka ha la sii daayo ayaa la yidhi, wali kiiskiisii sidiibuu u yaalaa oo maxkamadu u xayirtay, isagoo jooga ayaa hadana Abaanduule laga dhigay, halkaa markuu tagayna oo uu muddo joogayna waaka dhacay mushaharkii ciidanka ee dhexda u fadhiistay, hadana waaka tagay Puntland, dadka uu gacantiisa ku dilay ee gobolkaa Sanaag ka tirsana 10 qof kama yara haday ciidan tahay iyo haday shicib tahayba.

In la qisaaso bay ahayd si isagana dambiga Illaahay uga dhaafo oo dadkuu laayey loo qisaaso bay ahayd, laakiin in loo qaato geesi anigu waxaan u arkaa shakhsiyan inay tahay dambi ka u doodayaana haduu wax u tarayo dambigaa uu sameeyey ha laga jaree inuu ogolaado in laga jaro oo maxkamad la saaro, Waa dambiile Qaran oo waliba ku dhiiran oo isle geesibaad tahay.” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.