Somalia Oo Ciidamo Iyo Saanad Militari Ka Dajisay Dhuusa-Mareeb

Dhuusa-mareeb, (HCTV) – Wararka laga helayo degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in maanta ay halkaa ka degeen diyaarado sida ciidamo iyo sanad military oo ay dirtay dawlada federalka Somalia.

Diyaaradan sida ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo saanad ciidan, iyada oo ciidamada ay soo dirtay dowladda Soomaaliya oo ku howlan dhismaha maamulka Galmudug.

Ciidamadan saakay ka degay Dhuusa-Mareeb ayaa noqonaya qeybtii labaad, waxaana xusid mudan in maalintii shalay degmada Dhuusa-Mareeb laga soo qaaday ciidamo ka tirsanaa Ahlu Sunna oo laga dajiyay magaalada Muqdisho.

Degmada Dhuusa-Mareeb waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda Soomaaliya  iyo mas’uuliyiinta sar sare ee Ahlu Sunna oo saluugsan sida ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso sugida nabad-galyda degmada.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.