Xuutiyiinta Yemen Oo Mar Kale Weerarray Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Sucuudiga

Xuutiyiinta Yemen Oo Mar Kale Weerarray Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Sucuudiga

Midawga Yurub Oo Diiday In Iran Ka Baxdo Heshiiska Nuclear-ka
Akhriso: Wasiirrada Ay Saamaysay Xil Ka Qaadista Uu Sameeyay Madaxweyne Biixi Iyo Wejiyada Cusub Ee Xukuumadda
Somaliland: Booliska Oo Siidaayey Fanaaniin U Xidhnaa Inay Xamar Tageen
Kenya Oo Dhinac Iskaga Leexisay Eedo Uga Yimid Dowladda Soomaaliya
Xaaladda Jigjiga oo Degen.

Abha (HCTV) – Gantaal ay Yemen ka soo rideen Kooxda Xuutiyiintu ayaa ku dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Abha ee Dalka Sucuudiga, Arbacadii Xalay.

Gantaalka oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee Xuutiyiintu la beegsadaan Garoonka diyaaradaha ee Abha ayaan sababin dhimasho iyo dhaawac ah, sida uu ku warramay Wargeyska The National oo HCTV soo xiganayo.

Col Turki Al Malki oo ah Afhayeenka Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaallada ka wada Yemen, ayaa sheegay in gantaalku uu Garoonka ku dhacay Xalay 11:30.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa iyaguna xaqiijiyey inay Gantaal ku weerarreen garoonka diyaaradaha ee Abha.

“Ficilladan socdaa waa Dambi dagaal..” ayuu yidhi, Afhayeenka Xulafada oo Maanta hadlay

Afhayeen u hadlay Jabhadda Xuutiyiinta ayaa isaguna sheegay inay Gantaalka la beegsadeen goob Madaarka Abha ka mid ah oo Diyaaradaha lagu xereeyo, hase-ahaatee ma sheegin inay bartilmaameedkoodii la heleen.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: