Wasaaradda Beeraha Oo Banka Wajaale Ka Beertay 1200 Higtar Oo Qamadin Iyo Hadhuudh Ah

Gabiley (HCTV) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed ayaa Maanta kormeeray Banka Wajaale oo Wasaaraddu ka beertay 1200 Higtar oo Qamadin iyo Hadhuudh ah.

Maareeyaha Mashruuca Banka Wajaale, Eng. Mowliid Xasan Cabdi oo Wasiirka halkaa ku soo dhaweeyay ayaa faahfaahiyey Dalagyada ay ka beereen Wajaale “Sannadkani wuu nooga duwan yahay sannadkii hore, waxaanu Banka wajaale ka beernay 1200 Higtar, halkii sannadkii hore aanu ka beernay 750 Hiktar, waxay isugu jiraan dalagga Qamadinka, Hadhuudhka, boqolkiiba 85 waa Qamadin, inta soo hadhayna waa Hadhuudhka..”

Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Gabiley ayaa isaguna sheegay “Maanta waxaanu sugaynaa haddii Allaah yidhaahdo, annaga oo Qarankan ugu idman Sugidda Cuntada inaanu wax badan ka tari doono..” ayuu yidhi.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Axmed Muumin Seed oo isaguna gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Maaddaama oo Cimiladii is-beddeshay waxaanu go’aansanay inaanu ka wareegno khadki hore ee Wasaaraddu ku shaqayn jirtay ee hadhuudhka oo aanu u wareegno Dalagyada hore u baxaya bilowno. Dalagyada aanu beernay waxa barbar socda Cilmi baadhis.”

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “Dalagyada aanu beernay Sannadkan 1050 Hiktar waa Qamadin, waayo? wuu ka munaafacaad badan yahay hadhuudhka, 150 Higtarna waa hadhuudh..”ayuu yidhi.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka