Diblomaasi Eritrean Ah Oo Madaxweyne Farmaajo Ka Codsaday In Loo Cusboonaysiiyo Dhalashada Somalia

Narita, (HCTV) – Diblomaasi Dawladda Eritrea u fadhiya dalka Japan, oo lagu magcaabo Ambassador Estifanos, ayaa madaxwaynaha Soomaaliya ka codsaday in loo cusboonaysiiyo dhalashada Soomaaliya oo la siiyay 1983-kii.

Estifanos ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka oo u dhignaa sidan:-

“Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh iga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii. hal dad Eritrea.” Sidaas ayuu danjire Estifanos ku qoray bartiisa twitterka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Japan kaga qaybgalay shirka iskaashiga qaaradda Afrika iyo dalka Japan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.