Somaliya: Booliska Oo Qabtay Shabakad Ka Ganacsan Jirtay Carruurta, Soona Furtay 11 Ubad Ah Oo Iib Sugeyaal Ahaa

Muqdisho (HCTV) – Ciidammada Booliska ee Soomaaliya ayaa sheegay inay qab-qabteen illaa 8 Dumar ah iyo 3 Rag ah, kuwaasi oo Boolisku ku sheegay Shabakad isku xidhan oo Carruurta kaa Ganacsan jiray.

Shabakaddan la sheegay inay Carruurta ka ganacsan jireen ayaa lagu qabtay hawl-gal Qarsoodi ah oo ay sameeyeen Ciidammada Laanta Dambi-baadhista ee Booliska Soomaaaliya.

Booliska ayaa qabtay Saddex Rag ah iyo 8 Dumar ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay Carruurta ka Baayac-mushtarayn jireen, iyadoo sidoo kalena ay isla hawl-galkaa ay Ciidammada dambi-baaadhista ee loo yaqaano C.I.D ku soo furteen 11 Carruur ah oo sida la sheegay lala sugayey Ciddii iibsan lahayd.

Sidaana waxa sheegtay Taliye ku-xigeenka Ciidammada Booliska ee Soomaaliya Sakiya Huseen, taasi oo qoraal arrintan ay ku shaacisay ku baahisay barta ay ku leedahay Shabakadda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook “Ciidanka Booliiska, gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baadhista ee C.I.D ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata Carruurta, taasi oo la daba joogay muddo hal bil ah, waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 Eedeysanayaal oo 8 ay yihiin Haween..” ayay qoraalkeeda ku sheegtay Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya, waxayna intaa sii raacisay in isla hawl-galkaa ay hoggaanka Ciidammada Dambi-baadhistu ku soo furteen 11 Carruur ah “Sidoo kale, waxay Ciidanku soo badbaadiyeen 11 Carruur ah oo da’dooda u dhaxayso 12 sano jir illaa 7 bilood, kuwaas oo ahaa beec-sugiyaal (iib sugeyaal) oo hadda ay xanaanaynayaan Ciidanka booliiska inta laga baadi-goobaya Waalidiintooda..”

Boolisku ma shaacinin Magacyada 11-ka eedaysane ee loo qabtay inay ahaayeen Shabakad ka ganacsata Carruurta, laakiin waxa ku socota baadhis.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka