Madaxweynihii Hore Ee Zimbabwe Oo Lagu Aasi Doono Xabaalaha Geesiyada Dalkaasi

Harare, (HCTV) – Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa lagu aasi doonaa xabaalaha Geesiyada oo ku yaala caasimada Harare maalinta Axada ah, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay qoyska Madaxweynihii hore, kaas oo sheegay in muran ka taagnaa Aaska la xaliyey.

Maalintii Khamiistii ayay ahayd markii qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ay sheegeen in maydka laga soo duuliyey dalka Singapore Arbacadii, isla markaana lagu aasi doono xabaalo gaar ah oo ku yaala magaaladii uu ka soo jeeday.

Waxaanu maydku yaalay caasimada Harare tan iyo maalintii Khamiistii kadib markii dawladdu ay ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq ah in loo samaynayo.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in lagu aasi doono xabaalaha Geesiyada Qaranka maalinta Axada,” ayuu yidhi Leo Mugabe oo ah Afhayeenka qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo maanta oo JImce ah warbaahinta la hadlay.

Robert Mugabe ayaa talada dalkaasi laga caydhiyey sanadkii 2017-kii, isagoo xilka Madaxweynahana lagu wareejiyey Mnangagwa.

Maanta oo Jimce ah ayaa la filayaa in wufuud dibada ka timid ay usoo socdaalaan Harare si ay uga qaybgalaan aaskiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping, Madaxweynaha Koonfurta Afrika Cyril Ramaphosa iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.