Xisbiga UCID Oo Gudbiyey Xubinta Uga Mid Noqonaysa Komiishanka Cusub Ee Doorashada

Xisbiga UCID Oo Gudbiyey Xubinta Uga Mid Noqonaysa Komiishanka Cusub Ee Doorashada

Hogaamiyaha Khaatumo oo Hargeysa kusoo Laabtay.
Madaxweynaha Somaliland Oo Casho-sharaf Ku Maamuusay Safiiro Iyo Diblomaasiyiin
Somalia Oo U Yeedhay Safiirkeedii Geneva U Fadhiyey
Libya: General Haftar Oo Digniintii U Dambaysay Loo Diray
Xildhibaan Indho-indho Oo Ka hadlay Farriin Somaliland Uga Timid Puntland

Hargeysa  (HCTV) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay xubinta uu u xulay inuu xisbiga UCID u metelo guddiga cusub ee doorashada.

Ma jiro war rasmi ah oo uu xisbiga UCID ku xaqiijiyay xubinta uu gudbiyay, laakiin warar xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in xubinta uu guddoomiye Faysal gudbiyay yahay Xasan Yuusuf Ducaale.

Geesta kale, Xisbiga WADDANI ayaan weli gudbin xubintiisa, waxaana socda tartan loogu jiro buuxinta xubinta xisbiga Waddani.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi ayaan weli isna diyaarin saddexda xubnood ee uu soo xulayo, waxaana iyaga laftooda loogu jiraa baratan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa isaguna gudbiyay laba xubnood oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) iyo Foosi Maxamed Faarax, balse Madaxtooyada ayaa dib u soo celisay Mr. Foosi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika

 

COMMENTS

%d bloggers like this: