Somaliland: Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Ka Noqday Socdaalkii Kismaayo

Berbera (HCTV) –  Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay inuu ka noqday Qorshe uu doonayey inuu kaga qayb-galo Caleemo-saarka Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Jubbaland, Axmed-madoobe

Xildhibaanka oo Maanta Saxaafadda kula Magaalada Berbera ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu ka noqdo qorshihii uu kaga qayb-gali lahaa Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, garowsaday in arrintaasi dhaawac ku tahay Qarankiisa Somaliland.

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waan ka noqday go’aankii aan kaga qeyb gali lahaa caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed-Madoobe..”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu sidaasi u yaalay Qarankiisa Somaliland awgeed “Waxaan u taanusalay Qarankayga iyo shacabkayga  Somaliland oo u arkay inay dhaawac iyo dhiig bax ku tahay qaranimada somaliland inaan caleema saarkaas ka qeyb galo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Shacabka qaar ka mid ahi kala hadleen na soo jeediyeen inaanu tagin “Dad badanina ila soo xidhiidheen aadna igala hadleen arinkaas..”

Sharciga Somaliland ayaan ogolayn in Masuul xil haya iyo Qof kale oo Bulshada caan ka dhex ah, sida Fanaaniinta, Abwaannada iyo Siyaasiyiintu tagaan Dalka Soomaaliya oo ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay 1991-kii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka