Maamul Ka Mid Ah Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Wakiil Dibedeed Magacowday

Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden.

Madaxweynaha ayaa Wakiilka Sweden ee Puntland u Magacaabay Cabdicasiis Cilmi Birjeex, waxaanu Madaxweynuhu sheegay inuu xilkan ku Magacaabay soo jeedimo uga yimid Qurbe-joogta Puntlane ee Sweden.

Sidaana waxa lagu sheegay Wareegtu uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, taasi oo ku taariikhaysan 8-da bisha 10-aad, 2019.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka