Garoowe (HCTV) – Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden.
Madaxweynaha ayaa Wakiilka Sweden ee Puntland u Magacaabay Cabdicasiis Cilmi Birjeex, waxaanu Madaxweynuhu sheegay inuu xilkan ku Magacaabay soo jeedimo uga yimid Qurbe-joogta Puntlane ee Sweden.
Sidaana waxa lagu sheegay Wareegtu uu ku saxeexan yahay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, taasi oo ku taariikhaysan 8-da bisha 10-aad, 2019.
Horn Cable Tv
Waaxda ONLINE-ka