Xukun Dil Ah Oo Lagu Riday 16 Qof Oo Gubay Gabadh Kufsi Ka Cabatay

Bangladesh (HCTV) – Maxkamad ku taalla Koonfurta Dalka Bangladesh ayaa 16 Qof ku ridday xukun Dil ah, ka dib markii ay gubeen gabadh ku eedaysay Macalin Iskuul Islaami ah wax ka dhiga inuu kufsaday ama Faro-xumeeyay.

Xukunka 16-ka Qof ayaa dhacay Isniintii la soo dhaafay, waxaana soo saartay Maxkamad gaar u ah Kiisaska Dumarka iyo Carruurta la xidhiidha, lix bilood ka dib Dilka Nusrat Jahan Rafi oo 19 jir ahayd.

Nusrat Jahan ayaa dhaawaca Dabka u Geeriyootay, bishii April ee sannadkan, 2019, xilli Xaaladdeeda lala Tacaalayey.

Hafez Ahmed oo Madax u ahaa Dacwad oogayaasha Kiiskan ayaa soo dhaweeyay Xukunka lagu riday 16-ka Qof, waxaanu sheegay in xukunkani markhaati u yahay inaan Qofka dil ku geysta gudaha Bangaladesh aanu baxsin karin “Waa Guul u soo hoyatay Garsoorka..” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Mahmudul Hasan Noman oo ay Walaalo yihiin Gabadha geeriyootay ayaa isaguna sheegay inuu ku faraxsan yahay xukuna ku dhacay 16-ka Qof ee ku eedaysnaa inay gubeen Walaashii.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka